Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ayaa Maanta Kulan la Qaatay Dhigiisa Degmada Gaalkacyo Ee Puntland

27 Jan

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ayaa Maanta Kulan la Qaatay Dhigiisa Degmada Gaalkacyo Ee Puntland

Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa Maanta Kulan La qaatay Dhigiisa Maayarka Degmada Gaalkacyo Ee Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan, Kulanka Waxaa Goob Joog Ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug Ee Puntland Maxamed Xasan Waloore.

Ujeedada kulanka Ayaa Ahaa is barasho, Wada-shaqayn Labada Maayar iyo in La iska Kaashado Amniga, isdhexgalka Labada Bulsho Ee Ku Wada Dhaqan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Labada Dhinac Ayaa isku Waafaqay in La Xoojiyo Xiriirka iskaashi Ee Labada Maamul iyo Sidii La iskaga Kaashan Lahaa Kooxda Nabad Diidka Ee Al-Shabaab.May be an image of 3 people, people standing and foodMay be an image of 2 people, people standing and foodMay be an image of 1 person, standing and food