Maamulka Degmada Gaalkacyo Oo kormeeray iskuulada Waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo

06 Feb

Maamulka Degmada Gaalkacyo Oo kormeeray iskuulada Waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay wehliyaan agaasimaha waaxda arimaha bulshada Daahir Maxamuud iyo Xildhibaan maxamed ali ahmed ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay qaar ka mid ah goobaha Waxbarasho ee ku yaala Magaalada Gaalkacyo.
Maayarka ayaa booqday Dugsiga Ardayda Maqalka Naafada ka ah wax lagu baro isagoo warbixin ka dhageystay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga una cadeeyay in Maamulka Degmadu Juhdi kasta ku bixinayo Horumarinta Waxbarashada Dadka baahiyaha gaarkaa qaba.
Wuxuu kaloo maayarku kormeeray Dugsiga sare ee S Y L halkaas oo uu kula kulmay Maamulka , Macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee S Y L Xilli ay ku gudajireen Halgankooda waxbarasho isagaa ku dhiirigeliyay ardayda Dugsigaasi wax ka barata dadaalkooda Aqooneed.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada Hoose Ee Degmada Gaalkacyo 
May be an image of 3 qof, people standing iyo outdoors