Hordhac

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada waa hay’adda dawladeed ee ugu sarreysa ee u xilsaaran sidii loo dajin lahaa siyaasadaha iyo sharciyada qaran ee la xiriira arrimaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.

Waajibaadka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada waxaa ugu waaweyn:

  • In la dajiyo, lana kormeero
  • In la horumariyo kaaba-yaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka
  • In la ilaaliyo danaha dadweynaha adeegsada isgaarsiinta iyo teknolojiyada
  • In la abuuro dhaqaale ku saleysan aqoon, lana abuuro bulsho wacyi sarreysa.

Si ay gudato waajibaadkeeda, waxaa Wasaaradda hagaya Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sharciyada kale ee la xiriira Wasaaradda.

 

In muwaadiniin kasta uu helo adeegyo isgaarsiineed oo la awoodi karo, tayo leh, isla markaana waara.

Wasaaraddani waxay u taagan tahay in la horumariyo, sare loo qaado, la isku xiro, lana sharciyeeyo adeegyada boostada, isgaarsiinta iyo teknoolojiyada si loo amba-qaado horumar dhaqan-dhaqaale.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyadawaa hay’adda dawladeed ee ugu sarreysa dalka ee mas’uulka ah inay dajiso siyaasadaha iyosharciyada ee arrimaha boostada, isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

QIYAMKA

Hawlaha Wasaaradda waxaa hagaya qiyamkan:

  • Hufnaan
  • Daah-furnaan
  • Isla-xisaabtan
  • Sinnaan iyo caddaalad
  • Hal-abuur