Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilowday Hawl galo lagu Burburinayo Dhismayaasha jidadka Ku jira

06 Feb

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilowday Hawl galo lagu Burburinayo Dhismayaasha jidadka Ku jira

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilowday Hawl galo lagu Burburinayo Dhismayaasha jidadka Ku jira si loo fuliyo amarka Maamulka horay uga soo baxay.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane. Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, iyo ku xigeenkiisa Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, iyo Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka iyo Agaasimayaasha waaxyaha Dowladda hoose ayaa goob joog ka ahaa furitaanka hawlgalka burburinta Dhismayaasha Sharci darada ee jidadka Soo gala kaasi oo laga fuliyey qeybo badan oo magaalada ka mid ah si gaar ah wadooyinka gala Suuqa Weyn ee Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay in ay horey dadweynaha ugu wargeliyeen inta ka horeysa shanta bisha febraayo ay iyagu burburiyaan wax kasta oo jidka caqabad ku ah sida baraagaha iyo xeryaha laga dhisay xareeraha wadooyinka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in hawlgalkaan uu la xiriiro soo celinta bilicda Magaalada Gaalkacyo.

May be an image of 4 people and people standingMay be an image of outdoorsMay be an image of outdoorsMay be an image of outdoorsMay be an image of outdoors