Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ayaa Xarunta Dowladda Hoose Kusoo Dhaweeyay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland

09 Feb

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ayaa Xarunta Dowladda Hoose Kusoo Dhaweeyay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan & Ku xigeenkiisa Eng. Maxamed Cabdi Cilmi Ayaa Xafiiska Dowladda Hoose Ee Degmada Gaalkacyo Kusoo Dhaweeyay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Cabdinuur aadan iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo booqasho ku yimid Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug.

Labada Maayar ayaa kulan ka yeeshay iskaashiga Dowladaha hoose ee Galmudug iyo Puntland waxayna sido kale ka wada hadlayn Wadashaqaynta dhinacyada amniga, horumarka degmada iyo xoojinta xiriirka wada shaqeynta, arrimaha isdhexgalka iyo Nabadda Gaalkacyo.

Markuu soo dhamaaday kulanka waxay mas’uuliyiinta Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ay si wada jir u kormeereen Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada oo ay ka hawlgalayaan Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada lagana hirgeliyay Calaamadaha Gaadiidka kala haga taasi oo xoojinaysa Amniga Magaalada iyo ka hortagga fal dambiyeedyada.May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of one or more people, people standing, sky and roadMay be an image of 2 people, people standing and outdoorsMay be an image of 3 people, people standing, outdoors and text that says 'STOP'May be an image of 5 people, people standing, outdoors and text that says 'STOP'