Masuuliyeen ka Tirsan Galmudug Oo kormeeray Wadooyinka la doonayo in la dhiso

07 Feb

Masuuliyeen ka Tirsan Galmudug Oo kormeeray Wadooyinka la doonayo in la dhiso

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, Gudomiyaha Gobolka Mudug Cabdirahmaan Cali Diiriye Isxal Gudomiye ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi Taliye Qeybta booliska Gobolka Mudug Qaasin sheekhdoon Cali Oo ay weheliyaan Xildhibaanada Golaha Deeganka, agaasimayaasha Dowlada hoose Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug ayaa Galabtay Kormeer indho indheyn ah ku tagay Qaar ka Mid ah Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo.

 

Wadada Astaan Golol iyo Astaan Hobyo Oo Uu Maamulka Dowlada hoose U Qorsheyay in Laga Bilaabo Dhismaha Wadooyin Laami ah ayaa lugu soo sameeyay Kormeerkii ugu danbeyay.

 

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahman Shiikh Xasan ayaa kal hore U Sheegay Dadka ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka inay Baneeyaan Maadama La doonayo in laga bilaabo Dhismo Wadooyin Cusub.

 

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada hoose Degmada Gaalkacyo

May be an image of 3 qof, people standing iyo outdoorsMay be an image of 3 qof iyo people standingMay be an image of 4 qof, people sitting iyo people standing